FSAN Nieuwsbrief april 2022
FSAN_Logo_Header


Editor: Zahra S. Naleie
Publisher: Mohamed Abdi
Saddex bille ka faallooda arrimha jaaliyadda Soomaalida Netherlands.
website email facebook twitter youtube 

Tusmada

DANJIRAHA CUSUB EE SOMALIA U FADHIYA BELGIUM & EU OO LA KULMAY SOOMAALIDA NETHERLANDS

Danjire Yonis oo la hadlaya jaaliyadda Soomaalida Netherlands
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Belgium iyo wadmada Midowga Yurub Yonis Yasin Hashi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa 13 Maarso 2022 la kulmay qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan dalka Netherlands, iyadoo kulankaasii u jeedkiisu ahaa isbarasho iyo warbixin guud oo uu safiirka jaaliyadda ka siiyo howlaha diblomaasiyadeed ee safaarada iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dayactirka iyo dib u hagaajinta guriga safaarada ay leedahay.



Hawlaha mashruuca tacdiyadda iyo dhaqamada xun

Een afbeelding van...
FSAN ayaa 19 en 26-kii bishii Maarso 2022 waxay qabatay tababar loogu magaca daray Trababarka tabarayaasha (Train de trainers) oo ujeedadiisu tahay in la helo tabarayaal tababara xirfadlayaasha (professionals) kala duwan sida qolada qaxootiga la shaqaysa, caafimaaka, maclimiinta dugsiyadda, Boliiska iwm.

Tiradda tabarayaasha waxay ahaayeen 8 qof oo laga soo doortay wacyigeliyaashii olalaha ka hortagga gudniinka gabdhaha, waxayna asal ahaan ka soo jeedaan Sudan , Somalie, Eritrea, Irak-Kurdisch, Egypt.

Tababarayaasha waxaa u dhiman inay qaatay tababar 2 maalmood oo kale , markay dhamaystaan waxaa laga rabaa inuu qof kasta qabto 2 jeer oo tababar ee dhinaca xirfadlayaasha.

Tababarkan oo lagu qabtay magaalada Amsterdam, waxay ka qeyb galayaasha la siiyey casharo ku saabsan sida ugu wanaagsan oo cashar loo bixiyo, iyo waxyaalaha loo baahanayahay inaad maskaxda ku hayaan, qaabka jeedinta sida lagu bilaabo cashar bixinta ilaa dhamaystirka, codkaaga inuu fasiix noqday iwm.

8-da Maarso, maalinta haweenka aduunka ee sanadkan

Een afbeelding van...
Sanad kasta waxay aduunyada xustaa maalinta 8da Maarso oo ah maalinta haweenka oo Q.M ay u aqoonsatay maalin caalami ah oo loo dabaaldego xaquuqda ay leeyihiin dumarka iyo in maalintaasi laga hadlo caqabadaha weli ku horgudban iyo sidii looga soo afjari lahaa takoorka xaga jinsiga.

Q.M ayaa sanadkan 2022-ka u doortay xuska maalinta haweenka halku dhiga ah “Horumarinta Sinaan Jinsiga”, sida ay sheegtay Dr. Maxime Houinato, aggaasimaha hay’ada Q.M u qaabilsan xaquuqda dumarka ee bariga iyo koonfurta Afrika.

Munaasibada maalinta caalimiga 6da Febaraayo oo sanadkan lagu qabtay magaaladda Groningen

273035606_3162419500653158_6497631191647908738_n
Xuska munaasibada maalinta ka hortaga gudniinka gabdhaha ee 6-da Febraayo ayaa sanadkan lagu qabtay magaalada Groningen ee waqooyiga Netherlands.

Munaasibadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey hay’ada Platform 6/2, oo ay iska kaashadeen Plan internationale Nederland, FSAN ,Pharos, Iyo qoladda caafimaadka waqooyiga Nederland.

FSAN sanadkaan waxay ahayd xiriiriyaha isku dabariddka barnaamijka kaas oo ah meerto. Waxaa sanadkan halku-dhig looga dhigay mowduuca ah “Muhimada wada shaqaynta” si loo ciribtiro gudniinka gabdhaha.

Goobta waxaa laga soo jeediyey macluumaad salka ku haya dhibaatada gudniinka gabdhaha iyo sidii loo joogin lahaa oo runtii u baahan shaqo badan, dada badan oo ka socday wacyigeliyaasha barnaamijkaan, shaqsiyaad hayáddo kala duwan ka socday iyo guddiga gemeentiga magaaladda ayaa ka qaybgalay..

FSAN oo bilowday barnaamijyo podcast ah

Livestream over vaccineren tegen corona in het Somalisch
FSAN waxay sanadkan bilowday barnaamiyo taxane ah oo podcast ah oo la xiriira mashruuca kor ku xusan waxaana Podcast-yagii ugu horreeyay ka soo muuqday Youssif Ouro-Akonda, oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan wacyigeliyayaasha ka hortagga gudniinka gabdhaha.

Youssif wuxuu deganyahay magalaadda Amsterdam asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa dalka Togo, wuxuuna ku soo barbaaray wadanka Gaana waxa uu ka sheekeeyay khibradiisa uu u leeyahay dhibaatooyinka caadadaas iyo doorka ragga ee la dagaalanka caadadan.
fsan-logo-txt-white
Email Marketing Powered by MailPoet