|
FSAN Nieuwsbrief januari 2022
|
|
|
|
Saddex bile ka faallooda arrimha jaaliyadda Soomaalida Netherlands.
Cadadka & Daabacaada 22 aad
|
Editor: Zahra S. Naleie Publisher: Mohamed Abdi
|
|
|
|
|
- Shirka Guud Ee Ururada
- Wareysi: Waxqabadka Ururka Somali4all
- Dumarka Soomaaliyeed, kaalin muuqata ayey kaga jiraan nolosha qurbaha.
- Kulan sanad la ah ee hay’ada Veiligthuis iyo FSAN
- Tababar Loo Sameeyey Wacyigeliyaasha Ka Hortaga Gudniinka Gabdhaha
- Waraka : END FGM European Network (END FGM EU)
- Maalinta Xaquuqda Caruurta Aduunka
- Talaalka cirbadda 3aad ee xoojinta ka hortaga corona
- Recente berichten van de website
|
|
|
|
|
Help FSAN Helpen
Al jaren is FSAN het overkoepelend orgaan in Nederland voor Somalische Associaties alhier. Onze verbindende en inspirerende bijdrages aan de maatschappij brengen kleur en leefbaarheid in het dagelijks bestaan. U kunt FSAN helpen. Doneer via onze website.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Shirka Guud Ee Ururada Xubnaha Ka Ah Dallada FSAN Ee Sanadkan
Guddiga maamulka dallada FSAN iyo ururada xubnaha ka ah ayaa 21-ka November 2021 magaalada Amsterdam ku yeeshay shirkii sanadlaha ahaa oo sanadkii hore u baaqday sababo la xiriira xayiraadii corona, waxaana guddiga ay ka warbixiyeen howlaha dallada iyo waxyaabihii u qabsoomay sannooyinkii la soo dhaafay.
|
Guddoomiyaha dallada FSAN Ali Ware oo ugu horeyn shirka furay ka sheekeeyey shaqooyinkii ay dallada qabatay ee dhinaca wacyigelinta bulshada iyo waxa ka soo baxay kulamo ay la yeesheen wasaaradaha arrimaha dibadda, caafimaadka iyo arrimaha bulshada.
|
Ali waxa uu sheegay in FSAN ay wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada kala shaqeysay mashruuca dadka Soomaalida, gaar ahaan kuwa qaata lacagaha daryeelka bulshada (Ceyrta) loogu abuurayo shaqooyin, taasoo uu sheegay in lagu guuleystay tijaabadeeda.
|
Waxa kale oo uu sheegay in FSAN sannooyinkii la soo dhaafay ay si weyn uga qeyb qaadatay arrimaha gurmada dadkii ku waxyeel loobay abaaraha iyo daadadkii ka dhacay dalka Somalia,
|
iyadoo jaaliyadda Soomaalida ee Netherlands ay iska aruuriyeen kumaan kun oo lacago Euro ah oo lagu caawiyey dadkaasi.
|
Mohammed Said, xoghayaha dallada FSAN ayaa isna halkaasi ka jeediyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulihii ay dalladu ka sameysay mashraacidii ay fulisay, sida midka ka hortaga gudniinka gabdhaha oo uu ku amaanay Zahra S. Naleie, madaxa arrimaha gender-ka ee FSAN oo uu sheegayn la’aanteeda aanu mashruucaasi fuli laheyn.
|
Waxa uu sharaxaad ka bixiyey dadaalkii ay FSAN u gashay in ay hesho cadeynta ANB oo u ogolaanaya dallada inay si sharci ah dhaqaalo u aruuriso haddii ay soo kordhaan xaalado deg deg ah iyo CBF oo cadeenaysa in FSAN loo aqoonsado inay tahay urur samafal oo lala xisaabtami karo, howlaha uu qabtana ay yihiin kuwa daahfuran.
|
Intaasi ka dib waxaa isna halkaasi ka hadlay Ahmed Abdulwahab, xoghayaha maaliyadda FSAN, isagoo faahfaahin ka bixiyey howlaha maaliyadeed ee u hayo dallada iyo hanaanka uu soo maryo marka la bixinayo mushahar ama kharashaadka howlaha socda sida gunooyinka la siiyo dadka iskaa-wax-u qabso ku shaqeeya.
|
Intii uu socday kulankan, waxay ka qeybgalayaasha iyo guddiga maamulka is dhaafsadeen doodo u badnaa sixitaan iyo talooyin ku wajahan shaqada socota. Waxaa jiray saddex urur oo ku soo biiray dallada, lagana aqbalay codsiyadooda, kuwaasoo kala ah;
|
• Somalische Federatie Organisatie Nederland (SFON)
|
Ugu dambeyn waxaa la isku afgartay in bisha Janaayo ee 2022 la qabto shirkii doorashada guddiga maamulka, iyadoo ururada wax dooran kara ay noqonayaan kuwa bixiya lacagaha sanadkii, iyadoo dastuurka dallada uu dhigayo in ururkii aan iska bixin karin lacagtaasi uu soo codsan karo in laga dhaafo, laakiin uu soo gudbiyaa qoraalo cadeenaya in ururka aanu waxba ku soo dhicin bankigiisa.
|
|
|
|
|
|
Wareysi: Waxqabadka Ururka Somali4all
Gudoomiyaha ururka Somali4all Osman M. Abukar ayaa ka warbixiyey howsha ururka iyo waxa uu u qabto jaaliyadda Soomaalida ee Netherlands iyo doorka uu leeyahay wacyigelinta iyo la dagaalanka dhaqamada guracan sida gudniinka gabdhaha.
|
Abukar waxa uu sheegay in Somali4all la aasaasay sanadkii 2006 ka dib markii ay soo baxday buu yiri in loo baahan warbaahin muuqaal oo ku hadasha afka Soomaaliga oo la socdaan Soomaalida Netherlands ku nool.
|
|
|
|
|
ZAHRA: “Dumarka Soomaaliyeed, kaalin muuqata ayey kaga jiraan nolosha qurbaha.”
Zahra S. Naaleeye, madaxa arrimaha genderka iyo joojinta tacadiya haweenka ee dallada FSAN oo lagu wareystay barnaamijka Mudnaanta Marwada ee ay siideyso xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta ee Abwaan Faarax Shuuriye ee magaalada Torino dalka Talyaaniga, ayaa ka hadashay kaalinta dumarka Soomaaliyeed ay ka jiraan nolosha qurbo-joogta ee wadamo kala duwan.
|
|
|
|
Waxay sheegtay in dumarka Soomaaliyeed ay u badan yihiin hooyooyin keligood carruur haysta (Single mothers) oo ku nool dal aysan ku dhaqan, af iyo diin midna aysan wadaagin, haddana ay xoogga saareyn koriimada iyo waxbarashada carruurtooda.
|
Zahra waxay sheegtay in tiro aan badneyn oo qoysas wada nool oo carruurta isla korsada, iyadoo aabayaasha qaar badan oo ka mid ah ay dadaal muujiyeen sidii ubadkooda uga war hayn lahaayeen.
|
“Waxaa kaloo jira gabadho badan oo wadamada ay ku noolyihiin wax ku bartay, kana shaqeysta, kaalin muuqatana kaga jira wadamadaas.” Ayey tiri Zahra.
|
Waxay intaasi ku dartay oo ay ku amaantay dumarka Soomaaliyeed ee qurbaha jooga inay ka qayb qaataan dhisida nolosha dadkoodii ay dalka uga soo tageen, sida inay diraan biilasha bil walba.intaasi waxaa dheer:
|
“In barnaamij kasta oo tabarucaad ah oo dadka wax loogu qabanayo, dumarka Soomaaliyeed waa kuwa ugu badan oo ka qayb qaata samatabixinta dadka Soomaaliyeed. Waxaan og nahay in marka ay dhibaato dhacdo ay iyagu lacaga iska aruurshaan ka dibna ay diraan.” Ayey tiri Zahra.
|
Sidoo kale, Zahra waxay sheegtay in waayadan dambe ay haweenka Soomaaliyeed ee qurbaha jooga ay si weyb uga qeyb qaatayn xitaa arrimaha siyaasada wadamada ay joogaan ee Europe Mareykanka iyo Canada.
|
Barnaamijkan waxaa kaloo qayb ka ahaa oo lagu xusay abaalmarintii ay marwo Zahra la siiyey 26 April 2021 taasoo u bixiyo boqorka dalka Netherlands, taasow oo ay ku mutaysatay juhdi badan oo ay galisay la dagaalanka gudniinka gabdhaha iyadoo ku bilowday Soomaalidda ku nool dalka Holland kuna fidisay wadamada laga isticmaalo caadada. Waxqabadkii Zahra waxaa goobta ka cadeeyey dad runtii la socday waqti dheer hawlaha marwada lana soo shaqeeyey oo ay ka mid yihiin Rukio Cadow, Ahmed abdulwahab iyo Cabdulqadir Ruumi oo weliba soo jeediyey in Zahra qorto buug lagu xuso waxqabadkii.
|
|
|
Kulan sanad la ah ee hay’ada Veiligthuis iyo FSAN
Hayádda dhinaca amaanka guryaha (Veilig Thuis) ee Amsterdam-Amstelland iyadoo kaashanaysa FSAN waxay isla abaabulaan sanad walba shir ku saabsan tacdiyadda haweenka iyo gabdhaha loo gaysto gaar ahaan gudniinka.
|
Shirkaan waxaa la qabtaa maalinta caalamiga ee gabdhaha oo ku beegan 11 Oktober maalintaasow Qaramada Midoobay u asteesay maalintii gabdhaha wuxuuna soo baxay 11 oktober 2012.
|
Shirkaan waxaa lagu casumaa hayádda kala duwan oo ka hawlgala Amsterdam -Amstelland, ururadda bulshada , indheer garad iyo wacyigeliyaasha ka kala yimd wadamo kala duwan. Sanadkan 11 oktober waxaa shirka lagu qabtay magaalada Amsterdam qodobada laga hadlay waxaa ka mid ahaa:
|
- Xuquuqda dumarka iyo carruurta waxaan ka hadlay Dr: Annemarie Middelbrug oo ah aqoonyahan dhinaca sharciga ah.
- Doorka wacyigeliyaasha ee arrimaha gudniinka gabdhaha waxaan soo jeedisay Zahra Naleie oo ah FSAN
- Waxaa kaloo goobta ka hadlay Wedad Almizori oo ah sleutelpersoon asal ahaan ka soo jeeda Irak-koerdish oo ka hadashay arrimaha gudniinka gabdhaha oo laga isticmaalo gobolo ka mid ah wadankeeda laakiin halkani ka ah taboe ama waxaan laga hadli karin ama ka xishooto bulshada. Nasiib wanaag tabarkii FSAN ka dib ayaan ku dhiiranay inaan aniga iyo saxiibo darbigaasi taboe ah jabin waana ku guulaysanay ayey tiri Wedad. Wacyigelin badan ka dib dadakayna gaar ahaan haweenka waxay bilaabayn in ay ka hadlaan kana doodaan tacadigaan. Kuwa badana qirayn “aniga hooyaday arrimaha gudniinka way soo martay laakiin aniga maya”.
|
|
|
|
Tababar Loo Sameeyey Wacyigeliyaasha Ka Hortaga Gudniinka Gabdhaha
27-kii bishii November 2021, FSAN oo wada shaqeyn la leh Pharos waxay qadka Online-ka ay tababar aqoon-kobcin ah ku siiyeen wacyigeliyaal ka badan 50.
|
Casharkaas waxaa lagu soo bandhigay buug ay wadajir u qorayn FSAN & Pharos oo loogu talagalay wacyigeliyaasha inay tixraac ama haga ka dhigtaan macluumaadka ku qoran.
|
Buugaan wuxuu wacyigeliyaasha ka taageerayaa habka loo bixiyo casharada la siinayo koox (groepsvoorlichting), wuxuu wataa qoraalo badan oo ka hadlaya dhinaca caafimaaka iyo barbaarinta carruurta iwm.
|
|
|
|
|
WARAKA : END FGM European Network (END FGM EU)
Hayádda magacayda kor ku xusan yahay waa dalad ay ku bohoobayn ilaa 32 urur oo ka dhisan qaarada Yurub kana kooban15 waddan.
|
Dalka Netherland waxaa ku matala FSAN & Pahros weliba FSAN waxay ka mid tahay wadamada hayádda wax ka aasaasay.
|
|
|
|
Hayádda waxay soo codsaday in wadan kasta soo dirsado ergo 2 qof looguna magac daray safiiro oo iska wax u qabso ah ula shaqeeyo 2021-2023.
|
WaxaanFSAN ahaan u dirnay 2bo Sleuterpersoonka ka mid ah kana soo jeeda Sudan iyo Irak-koerdisch lana kala yiraa Ahlam Aziz & Wedad Almizori.
|
27 November 2021 waxay ka qaybgalayn shirkii ugu horeeyey ee daafurka ahaa laguna qabtay magaaladda Brussel ee dalka Belgium, halkaasow loogu sheegay hawlaha kala duwan ee hayadda iyo waxa laga filayo safiir ahaan inay fuliyaan 2bada sano ee soo socota.
|
|
|
Maalinta Xaquuqda Caruurta Aduunka
20-kii bishii November 2021, waxaa aduunyada laga xusay maalinta xaquuqda carruurta oo la aasaasay sanadkii 1954-kii, taasoo ujeedada loo sameeyey ay ahayd sidii loo horumarin lahaa, wacyigelinta, daryeelka iyo awoodsiinta carruurta.
|
Sidaa la socotaan Somaaliya waayadaan dambe waxaa ka dhaco tacadiyo loo gaysto carruur daýar. Dhacdadii dhaweyd waxay ahayd 7-dii bisha December 2021, ayaa waxaa duleedka Muqdishu, gaar ahaan deegaanka Garasbaaley si arxan daro ah loogu dilay 2 caruur ah oo walaalo ahaa, kuwaasoo kala ahaa gabadh da’deedu aheyd 7 jir iyo wiil 5 jir ahaa.
|
Xaalada nololeed ee caruurta Soomaaliyeed ayaa ah mid aad u liidata, mana helaan xaquuqdi ay u lahaayeen daryeel nololeed, caafimaad iyo mid waxbarasho. Waxaa aad loogu xadgudbaa xaquuqda carruurta, iyadoo dhinacyada isku haya Soomaaliya ay askareeyaan carruurta oo ay dagaal geliyaan iyo cadaaladdarro hareeraysaa xuquudooda..
|
Golaha loo dhan yahay ee Q.M ayaa 20-kii bishii November sanadkii 1959-ki waxay ansaxiyeen Baaqa xaquuqda caalamiga ee caruurta, waxaa sidoo kale sanadkii 1989-kii golaa guud ay sameeyeen heshiiska lagu ilaalinayo xaquuqda caruurta, kaasoo ay Somalia ka mid aheyd wadamadii wax ka saxiixay.
|
|
|
|
Talaalka cirbadda 3aad ee xoojinta ka hortaga corona
Sida ay qorshaysay dowlada Netherlands, waxaa socda dadaalo lagu doonayo in looga hortago faafista iyo halista xanuunka Coronavirus oo weli dhibaato ku haya dunida.
|
Xanuunkan ayaa hadda yeeshay faracyo sida Omikron oo si deg deg ah u faafa laakiin ka khatar yar faracyada kale.
|
Wasaarada caafimaadka Dutch-ka waxay wadaa qorshooyin is-daba yaala oo dadka lagula talinayo inay qaataan cirbadda xoojinta talaalka corona (boosterprik).
|
Waxaa ugu horeeyey oo cirbaddan 3aad qaatay shaqaalaha caafimaadka ee safka hore, ka dibna dadka da’da ah, kuwa dhexe iyo dhalinyarada.
|
Ololahan cusub ee talaalka 3aad ayaa hadda si xowli ah u socda, si looga hortago faafista corona oo kumaan kun oo dad ah uu ku dhacay bilooyinkii ugu dambeeyey ee sanadkii 2021-kii.
|
Cirbadan ayaa waxay xoojinaysaa difaaca jirkooda si looga hortago faafista xanuunka corona faraciisa Omikron.
|
Waxaad balanta ka sameysan kartaa website-ka dowlada ee coronatest.nl
|
Maxaad u qaadanaysaa cirbada xoojinta?
|
- Cirbadan waa talaal dheeraad ah oo ka hortagaya COVID-19
- Ku dhowaad 84 boqlkiiba dadka waaweyn ee Netherlands waa la talaalay.
- Cirbada xoojinta waxay waxtar u yeelanaysaa dadka horey u qaatay talaalka oo dhameystiran.
- Gaar ahaan dadka da’da ah waxtarka cirbadahii ay qaateen waxay u muuqdaan kuwa aan ku filneyn difaca jirkooda, una baahan cirbad saddexaad.
- Qofka kasta waxa uu qaadanayaa cirbada xoojinta ee talaalka COVID-19 ee Pfizer/BioNTech ama mida Moderna
|
|
|
|
Recente berichten van onze website
De laatste berichten geplaatst op https://fsan.nl
|
|
|
|
|
|
Ieder jaar op 6 februari vragen we op Zero Tolerance Day (ZTD) wereldwijd aandacht voor de strijd tegen vrouwelijke genitale verminking (VGV). In Nederland doen we dat door tijdens de jaarlijkse ZTD-conferentie kennis, ervaringen en verhalen uit te wisselen om van elkaar te kunnen leren en nog beter samen te werken. Platform 6/2 hoopt u samen met de gemeente Groningen …
|
|
|
|
|
|
|
Interview met Osman M. Abukar, de voorzitter van Somali4all over hun activiteiten in Nederland. Het is een media-organisatie die hun gemeenschap dient.
|
|
|
|
|
|
|
DEN HAAG - 'Zelfs mijn zus is hier slachtoffer van geworden. Als meisjes zich namelijk niet lieten besnijden werden ze als hoer gezien.' Bashir Apoudjak is emotioneel als hij vertelt over zijn zus, die slachtoffer werd van vrouwenbesnijdenis. Lees verder
|
|
|
|
|
|
|
The board of directors of the Federation of Somali Association in the Netherlands (FSAN) and its member organizations of the Somali community held their annual meeting in Amsterdam on 21 November 2021 as the conference was postponed earlier due to the corona ban - the committee reported on the activities of the umbrella and its achievements over the years. In …
|
|
|
|
|
|
|
|