|
FSAN Nieuwsbrief april 2023
|
|
|
|
Editor: Zahra S. Naleie Publisher: Mohamed Abdi
|
|
|
|
Saddex bille ka faallooda arrimha jaaliyadda Soomaalida Netherlands.
|
|
|
|
|
|
- Maalinta Caalamiga ee la Dagaalanka Gudniinka Gabdhaha
- Maalinta Caalamiga ee Haweenka Adduunka
- MUXUU YAHAY PRIJSPLAFOND
- Kordhinta mushaharka ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay 40-sano
|
|
|
|
|
Maalinta Caalamiga ee la Dagaalanka Gudniinka Gabdhaha
|
|
Waxaa sannad walba lagu xusaa waddamo badan oo adduunka ah maalinta loo asteeyey la dagaalanka gudniinka gabdhaha oo ku beegan 6da Febaraayo. Dalka Netherland ilaa waqtigii maalinta caalamiga ah lagu dhawaaqay ee 2003 ilaa hadda sannad walba waxaa lagu qabtaa munaasabad la xiriira arrimahaas, waxaa diyaariya ururadda FSAN, Pharos, plan international iyo GGden oo wata magaca platform6/2.
|
|
|
|
|
|
|
|
Maalinta Caalamiga ee Haweenka Adduunka
|
|
8da bisha Maarso ee sanad walba waxaa addunyadda lagu xusaa maalintii haweenka. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa munaasabadaas ugu hambalyeysay haweenka Soomaaliyeed sida joogtada ah ee ay uga qeyb qaadanayaan horumarka dalkooda.
|
“Dadaalka nabad-dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta ilaa hawlaha xasilinta ee goobihii dhawaan lagala wareegay Al-Shabaab iyo gurmadka bini’aadantinimo ee abaaraha jira – Haweenka Soomaaliyeed waxay sii wadaan inay gacan weyn ka geystaan dhammaan dhinacyada nolosha bulshada,” ayey tiri ku-xigeenka ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.
|
|
|
|
|
|
|
MUXUU YAHAY PRIJSPLAFOND
|
Kulama badan ka dib, dowlada Netherlands iyo shirkadaha bixiya adeegyada tamarta sida korontada iyo gaaska ayaa si ku meel gaar ah isugu raacay (prijsplafond) jaan-goynta qiimaha isticmaalka adeegyadaasi ilaa sanadkan 2023. Qiimaha iyo isticmaalka xadidan ayaa noqonaya sidan; halkii kuubik mitir (m3) oo gaas ah waxa uu noqonayaa €1,45 waxaana guri kasta oo la degan yahay loo ogol yahay inuu sanadkii isticmaalo ilaa 1200 m3.
|
Korontada ayaa iyaduna ah halkii kilowaat saacadii (kWh) €0,40 waxaana la ogol yahay in la isticmaalo sanadkii 2900 kWh, iyadoo €47,38 uu noqonayo halkii gigajoule (GJ) oo u dhiganta 30 kuubik mitir oo loo isticmaalo kulayl siinta guryaha iyo goobaha shaqada xilliga qaboobaha, waxaana sanadkii la ogol yahay ilaa 37 GJ. Wixii ka baxsan isticmaalka jaan-goyntaasi, waxay shirkadaha xaq u leeyihiin inay kugu soo dalacaan qarash dheeraad ah oo ka qaalisan qiimaha la isku afgartay.
|
|
|
Kordhinta mushaharka ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay 40-sano
|
|
30-kii bishii Maarso, xafiiska tirakoobka qaranka ee dalka Netherlands ee CBS ayaa sheegay in mushaharka dadka shaqeeya uu kordhay celcelis ahaan 5% rubuci hore ee sanadkan 2023, taasoo ah ku dhawaad laba jibaar tiradii sanad ka hor, laakiin CBS waxay sheegtay in tani aysan weli ku filneyn marka loo eego sicir bararka ku dhacay maciishada
|
CBS waxay sheegtay in tusmada qiimaha macaamiishu ay 6.6% ka sarreeyeen muddadii January ilaa March. Si kastaba ha ahaatee, kororka celceliska 5% ayaa ah kii ugu sarreeyay muddo 40 sano ah.
|
Mushaharka ayaa si gaar ah loogu kordhiyey dadka ka shaqeeya xafiisyada soo dhoweynta iyo hoteelada, kuwaas oo mushaharkoodu kor u kacay 8%. Sannadkii hore, shaqaalaha qaybta martigelinta waxay arkeen kororka mushaharkooda kaliya 0.3%
|
Waaxyaha gaadiidka iyo shaqaalaha dawladda ayaa sidoo kale kor u kacay mushaharkooda oo ku soo dhawaaday 8%. Mushaharka ugu hooseeya - 2.5% - waxa la siiyay dadka ka shaqeeya qaybta guryaha.
|
|
|
|
|
Bewerk dit om tekst in te voegen.
|
|
|
|