FSAN Nieuwsbrief juli 2022
FSAN_Logo_Header


Editor: Zahra S. Naleie
Publisher: Mohamed Abdi
Saddex bille ka faallooda arrimha jaaliyadda Soomaalida Netherlands.
website email facebook twitter youtube 
wargeyska fsan july 2022 1
TUSMADA WARGEYSKA

  • FSAN oo dooratay maamul cusub
  • Salado Ali Malin oo la gudoonsiiyey abaalmarinta boqortooyada Netherlands
  • Bahjo “2 arrimood oo is biirsadaya ayaa u sabab ahaa aasaaska Jamaal Elmi Foundation” [WAREYTababarka tabarayaasha (TOT)
  • Dib u tababarid
  • Fariinta FSAN ee joojinta gudniinka gabdhaha
  • Wadashaqayn Pharos
  • Soomaalida Netherland oo dabaal degaya sanadguuradii maalinta dhalinyarradda Soomaaliyeed
  • SSHO oo ku guuleysatay abaalmarinta ka qeybgalka arrimaha bulshada

FSAN oo dooratay maamul cusub

IMG_9328
Ururada Soomaalida ee xubnaha ka ah dallada FSAN ayaa maanta 22-05-2022 doortay g
uddi maamul oo cusub oo ay yeelato dallada saddexda sanno ee soo socda, ka dib doorasho daah-furan oo maanta lagu qabtay magaalada Amstersam ee caasimada dalka Netherlands.


Salado Ali Malin oo la gudoonsiiyey abaalmarinta boqortooyada Netherlands

salado
Guddiga maamulka iyo dhamaan howlwadeenada dallada FSAN waxay u hambalyeenayaan Salado Ali Malin oo bishii April la gudoonsiiyey abaalmarinta ay bixiso boqortooyada Netherlands ee ( Lid in de Orde van Oranje-Nassau), taasoo ay ku muteysatay kaalinta firfircoon ay ka qaatay arrimaha bulshada iyo jaaliyadaha dalkan.

Salado waxay maamushaa ururka Iftiin oo xubin firfircoon ka ah dallada FSAN. Ururkeeda waxay door muuqda ku leeyahay caawinta iyo arrimaha wacyigelinta jaaliyadda Soomaalida eek u dhaqan gobolka Limburg.
BAHJO

Bahjo “2 arrimood oo is biirsadaya ayaa u sabab ahaa aasaaska Jamaal Elmi Foundation” [WAREYSI]

Bahjo Jamaal oo ka mid ah howl-wadeenada Hay’adda Jamaal Elmi Foundation ayaa ka warbixisay taariikhda & waxqabadka hay’adda Jamaal Elmi Foundation oo 11 sanno jirsatay.

Bahjo oo wareysi siisay majalada billaha ee ay leedahay dalladda FSAN, mar ay ka hadleysay hadafka loo aasaasay Jamaal Foundation waxay ku ku nuuxnuuxsatay in lagu maamuusay waxqabadkii, taariikhdii & doorkii shariifka ahaa ee uu lahaa aabaheed Jamaal oo ay ku tilmaantay inuu ahaa shaqsi bulshada qiimo weyn ugu fadhiya, isla markaana ka shaqeyn jiray arrimaha samafalka

Tababarka tabarayaasha (TOT)

IMG_8587
Waxaa tabar soconayey 19 & 26 Maarso,14 May & 4 juunyo loo soo gegebogebeeyey 8 tabarayaal oo hore ugu tirsanaa wacyigaliyaasha barnaamijka gudniinka gabdhaha.

Ujeedada tabarka waxay tahay inay siiyeen dadka professionaalka ama xirfadlayaasha sida kuwa caafimaadka, iyo kuwa dhamaan hawlaha bulshada wada barnaamijka cashara la xiriira gudniinka gabdhaha. Tabarayaasha waxay ka soo kala jeeda wadamada, Somalia, Sudan, Eritrea, Iraq Kurdis, Egypt

Dib u tababarid

foto22
FSAN waxay sanadkasta u qabataa wacyigaliyaasha (sleutelpersonen) tababro aqoontooda kor loogu qaadayo.

Maadama barnaamijkii gudniiinka gabdhaha lagu kordhiyey tacadiyadda kale sida Guurka qasabka ah, carruurta/dhalinyaradda iyo xaasaska waddankooda lagu celiyo(Achterlating), iyo arrimaha kale ee la xiriira ilaalinta sharaft qoyska.

(Eergerelateerd geweld) ayaa bilhii May iyo Juunyo tabaradaasi loo qabtay wacyigaliyaasha.Waxaan ka soo qayb geli in ka badan 80 waxaana lagu qabtay lagu qabtay Amsterdam, Rotterdam iyo Deventer iyo online. Wixii hadda ka dambeeya wacyigeliyaasha aarimahan kor ku xusan waxay kala hadli doonaan bulshadooda. FSAN waxay tababaradan kala shaqeysay hay’adaha kala ah Pharos iyo xarumaha dhalinyarada iyo qoyska ee Rotterdan, Veiligthuis iyo GGD in Amsterdam, GGD Ijseellen/ Noord Oost Gelderland iyo Femmes for Freedom.

jooji

Fariinta FSAN ee joojinta gudniinka gabdhaha

Maadaama waqtiga xagaaga lagu jiro waaladiin badana ay fasax galayaan, ayaa FSAN waxay bilowday olole lagu wacyigelinayo dadkaasi iyadoo loo marayo warbaahinta iyo baraha bulshada iyo shirar dhinac wacygelinta oo ay sameeyeen ururada.

Soomaalida Netherland oo dabaal degaya sanadguuradii maalinta dhalinyarradda Soomaaliyeed

soneca

Kulan looga hadlayey maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee Dhallinyarada ayaa lagu qabtay magaalada Hague ee dalka Netherlands 15 May 2022 waxaana qabtay ururka SONECA oo gacan ka helaya GGD Haaglanden iyo degmooyinka degaanka ee Hague.

Masuuliyiin ka kala socota dowlada hoose iyo wasaarada arrimaha dibada Holland ayaa lagu martiqaaday shirka oo ku beegan sanadguuradii 78-aad ee ka soo wareegatay markii dalalka ay ku mideysan yihiin, kaasi oo ah dhaqdhaqaaq uu dalka u horseeday in uu ka madaxbannaanaado awooddii gumeysiga.

SSHO oo ku guuleysatay abaalmarinta ka qeybgalka arrimaha bulshada

ssho
Ururka Soomaalida ee ka dhisan magaalada Haarlem iyo nawaaxigeeda SSHO ayaa ku guuleystay abaalmarinta ka geybgalka arrimaha bulshada (Participatieprijs), kaasoo ay codsadeen ilaa 13 urur oo soo gudbiyey hindisayaashooda.

SSHO waxay abaalmarintan ku heshay doorka muuqda ee ay ka qaadatay mashruuca Schalkwijk oo ah goob uu ururku si joogto ah isugu keeno dad ka soo kala jeeda jaaliyaddo ka duwan oo ay Soomaalida ku jirto, looguna sameeyo barnaamijyo qeyb ka qaadanaya horumarinta arrimaha bulshada.

Howlaha ugu waaweyn ee ay SSHO ka sameyso Schalkwijk ka sameyso waxaa ka mida ku barbaarinta labada dhaqan ee ubadka bulshooyinka ajaabinka ku ah dalkan Netherlands.
(SSHO) waxaa la aas aasay 2007 si ay bulshada soo galootiga uga qayb geliyaan arrimaha isdhexgalka bulshada iyo fahanka ku noolaanshaha dalka Netherlands.

Ururka SSHO waxa uu markii hore ku bilowday hindise ay sameeyeen tiro dhalinyaro arday ah oo markii dambe isku badelay urur caawiya oo taageera soogalootiga iyo qaxootiga meelo kala duwan ka yimid.

Mahad Axmed oo ka mid ahaa ardaydii dhidibada u taagtay SSHO in ka badan shan iyo toban sano ka hor, ayaa hadda ah guddoomiyaha golaha sare ee SSHO, isla markaana u xilsaaran hawl maalmeedka ururka.

fsan-logo-txt-white
Bewerk dit om tekst in te voegen.
Email Marketing Powered by MailPoet