|
FSAN Nieuwsbrief oktober 2023
|
|
|
|
Editor: Zahra S. Naleie Publisher: Mohamed Abdi
|
|
|
|
Saddex bille ka faallooda arrimha jaaliyadda Soomaalida Netherlands.
|
|
|
|
|
|
|
|
Guddiga maamulka FSAN oo la balaariyey.
|
FSAN OO QABATAY TABABAR KALE OO KU SAABSAN KOBCINTA AQOONTA
|
Dr. Suaad: Xanuunka xaga dhimirka ee dadka Soomaalida ku soo badanayo. SSHO oo qabatay kulanka jaaliyaddaha Haarlem. Nur Icar oo loo magacaabay inuu ka mid noqdo maamulka dowlada hoose ee Den Haag. Aqoon-isweydaarsi balaaran oo lagu qabtay Breda, Netherlands. Miisaaniyadda Nederland ee 2024. Waxaa soo badanaya daawooyinka ADHD dhaqtar la’aan.
|
|
|
Guddiga maamulka FSAN oo la balaariyey
|
|
17-09-2023, waxaa magaalada Amsterdam ee dalka Netherland, shir muhiim ah ku yeeshay guddiga maamulka dallada FSAN iyo ururada Soomaalida ee xubnaha dalladaasi, iyadoo halkaasi lagu ansixiyey xubno horey loo doortay.
|
Dalladda FSAN, oo ay ku middeysan yihiin in ka badan 50 ururo Soomaali ah oo ka dhisan Nederlands, waxaa la aasaasay 1994-tii, iyada oo Guddiga dalladda oo la doorto saddexdii sanno mar ay ka shaqeeyaan isku xirka Jaaliyadaha Soomaalida & Dowladda Nederland & Sidoo kale wacyigelinta bulshadda Soomaalida. Kulanka waxaa lagaga hadlayay qoddobo ay ka mid yihiin:- Ansixinta xubnaha cusub ee guddiga Waxqabadkii FSAN 2022 Miisaaniyada ururka 2022 Qiimeyn lagu sameynayay waxyaabihii ururka u qabsoomay muddada sannadka & barka ah ee ay shaqeynayeen guddiga cusub. Eegista & ansixinta 2 urur oo ku soo biiray dalladda. Balaarinta xubnaha guddiga oo markii hore ahaa 5 oo laga dhigay 7, iyo qoddobo kale.
|
Xubnaha guddiga waa: Guddoomiyaha dalladda Maxamed Cabdullaahi [Askari], Guddoomiye ku-xigeenka C/qaadir Nuune, Xisaabiye Ahmed Cabdiwahaab Yariisow iyo Maxamed Cusmaan Guure.
|
Xubnaha guddiga cusub ee ku soo biiray FSAN waxaa ka mid ah Cali A. Ikar, Raho Alasow iyo Abdishakuur Cilmi ka dibna ururadda FSAN ayaa ansixiyey.
|
|
|
|
FSAN OO QABATAY TABABAR KALE OO KU SAABSAN KOBCINTA AQOONTA WACYIGELIYAYAASHA
|
|
|
|
|
|
23 iyo 30 bishii September 2023, FSAN waxay magaalada Amsterdam ku qabatay tababar ku saabsan kobcinta aqoonta oo loo sameeyey shaqaalaha iyo wacyigaliyaasha bulshada.
|
Ujeedada tababarka wuxuu ku salaysnaa kobcinta aqoonta dhinac hadal soo jeedinta iyo xirfadaha isgaarsiinta. Casharka waxaa bixinayey tababre xirfadle ah.
|
Tiradda ka qaybgashay waa 14 qofood oo isugu jira hawlwadeena FSAN iyo wacyigaliyaasha. FSAN waxay aaminsantahay kobcinta aqoonta dadka kor ku xusan taasoo sii doonto awood ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan bulshadooda.
|
|
|
|
|
Dr. Suaad: Xanuunka xaga dhimirka ee dadka Soomaalida ku soo badanayo
|
|
Suaad Abdulrehman oo ah dhakhtarad ku taqasustay cilmi-nafsiga iyo caafimaadka cudurada ku dhaca dhimirka ayaa si faahfaahsan uga hadashay xanuunada ku dhaca maskaxda iyo waxyaabaha sababa.
|
Dr. Suaad waxay sheegtay in xanuunka xaga dhimirka uu ku soo badanayo dadka Soomaaliyeed ee gaar ahaan ku nool dalka Netherlands, taasoo ay ugu wacan tahay bay tiri dhibaatooyinkii iyo dagaaladii sokeeye ee ay soo arkeen, taasoo saameyn xoog leh ku reebtay maskaxdooda.
|
Si aad u daawato wareysiga oo dhameystiran halkan ka daawo
|
|
|
SSHO oo qabatay kulanka jaaliyaddaha Haarlem
|
|
Ururka Soomaalida ee ka dhisan magaalada Haarlem iyo nawaaxigeeda ee SSHO oo xubin ka ah dallada FSAN ayaa 1-dii Bishan Oktoobar waxay qabteen kulan balaaran oo ay isugu keenayn jaaliyadaha shisheeye ee dalkan ku dhaqan oo ay ku jirto Soomaalida.
|
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa howlaha ay SSHO ku qabato guriga bulshada ee Meerwijk, iyadoo halkaasi ay wada-shaqeyn leeyihiin ururka kale ee la yiraahdo Stichting Samen Haarlem.
|
Kulankan oo dhacay maalin la haystay cadceed fiican, ayaa jaaliyadda kasta waxay goobta ku soo bandhigtay cuntada ay dhaqanka u leedahay, waxayna sidoo kale aheyd maalin ay carruurta jaaliyadahan ay goob ku wada ciyaareen, kuna farxeen, waaladiintana ay heleen waqti ay ku sheekeystaan, ayna iska wareystaan xaaladahooda.
|
Howlaha SSHO ay qabato waxaa ka mida inuu waaladiinta Soomaalida ka caawiyo sidii ay isku fahmi lahaayeen carruurta maadaama ay joogaan wadan ay dhaqan iyo diin ahaan kala duwan yihiin. “Waxaa kale oo ay SSHO isku daysaa in dhalinyarada soo koraysa ay wadankan ka bartaan oo ay ka faa’iideystaan fursada jira iyo in isku xir loo sameeyo iyaga iyo Soomaalida si aysan afkooda u lumin, ayna noqdaan dad mustaqbalka wax isku qabta.”ayuu yiri Mahad Ahmed oo ka mida masuuliyiinta SSHO.
|
SSHO waxa uu ka mid yahay ururada ugu firfircoon ee howlaha kala duwan ka qabta magaalada Haarlem, iyadoo bulshada ka caawiya xagga arrimaha isdhexgalka iyo shaqooyinka, wuxuuna wada-shaqeyn toos ah la leeyahay maamulka dowlada hoose ee Haarlem.
|
|
|
Nur Icar oo loo magacaabay inuu ka mid noqdo maamulka dowlada hoose ee Den Haag
|
|
Nur Icar, oo xubin ka ah xisbiga DENK ee dalka Netherlands ayaa loo doortay inuu noqto (Wethouder), kaasoo ka mida maamulka dowlada hoose ee magaalada Denhaag.
|
Waxay shaqadiisa noqonaysaa arrimaha maareynta dhaqaalaha ganacsiga yar yar, abuurista shaqooyinka iyo arrimaha is-dhexgalka bulshada ee waaxda Leidschenveen-Ypenburg oo ka mida Den Haag.
|
Nur Icar ayaa xilkan haynaya ilaa 2026, iyadoo awood muuqata uu ku yeelanayo go’aanada dowlada hoose Den Haag. Nur Icar ayaa noqonaya masuulkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee haysta dhalashada dalka Netherlands ee xilkan loo doorto taariikhda inta la og yahay.
|
Jaaliyadda Soomaaliyeed Netherlands ayaa aad u soo dhoweysay magacaabista Nur Icar inuu noqday (Wethouder) masuul ka tirsan maamulka dowlada hoose ee Den Haag.
|
|
|
Aqoon-isweydaarsi balaaran oo lagu qabtay Breda, Netherlands
|
|
Kulan aqoon-isweydaarsi ah oo ay ka soo qeyb galeen ilaa 200 oo dhalinyaro Soomaali ah oo ka kala yimid gobolada dalka Netherlands ayaa 1-dii Bishan Oktoober lagu qabtay magaalada Breda ee gobolka waqooyiga Brabant ee dalkan.
|
Aqoon is-weydaarsigan oo ahaa mid isku xirayey dhalinyarada dalkan wax ku bartay ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay oo qeyb ku ahaa qabanqaabadiisa ururka KARDO AID, iyadoo qabsoomidiisa ay suurtagelisay “Oranje Fonds”.
|
Cabduqaadir Cali (Nuune), gudoomiye ku xigeenka dallada FSAN ahna Guddoomiyaha ururka Kardo, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada kulanka ay aheyd in ay kala faa’ideystaan dhalinyarada dalkan wax ku bartay, isaga oo intaas ku daray in ay qaar dhalinyarada ka mid ah ay tusaale fiican u noqon karaan.
|
Kulanka waxaa si weyn uga dhexmuuqday gabdho Soomaali ah; waxaana dadkii ka qeybgalay ka mid ahaa Ganacsade Kadir Ahmed oo ah milkiilaha warshad soo saarta nuucyada kala duwan ee rootiga xalaasha ah, isagoo ka sheekeeyey sida uu sameeyey ganacsigiisa.
|
Sidoo kale, dadkii ka hadlay aqoon isweydaarsiga waxaa ka mid ah orodyahan Maxamed Cali oo guulo taariikhi ah ka gaaray tartanka orodada dalkan Netherlands.
|
|
|
Miisaaniyadda Nederland ee 2024
|
|
Golaha Wasiirada Kumeel Gaarka ah ee dalka Netherlands ayaa 19-kii September 2023 soo bandhigay miisaaniyada sanadka 2024, taasoo dhan € 433.6 bilyan oo Euro.
|
Miisaaniyadda la soo jeediyay ayaa wadata khasaare dhan €30.7 bilyan oo Euro guud ahaan, waxaana ku jira qorshe € 2 bilyan oo Euro ah si sare loogu qaado awoodda wax iibsiga loogana ilaaliyo qoysas badan inay ku dhacaan xariiqa saboolnimada.
|
Taasi waxaa barbar socday, in dowladdu ay sidoo kale daabacday faahfaahin ku saabsan isbeddelka lagu sameeyay siyaasadda canshuuraha ee dalka, oo ay ku jiraan canshuur ku kordhinta qoysaska hodanka ah iyo ganacsiyada yaryar, waxayna xaqiijisay in qiimaha caymiska caafimaadka aasaasiga ah uu kor u kici doono qiyaastii 144 euro sanadka 2024. Qorshaha wax looga qabanayo saboolnimada waxaa loola jeedaa in lagu kordhiyo awoodda wax iibsiga ee qof kasta oo deggan Netherland celcelis ahaan 1.7 boqolkiiba sanadka soo socda.
|
Tan waxaa ka mid ah kororka weyn ee lacagaha kabka ee la siiyo carruurta iyo mida kirada guryaha, iyo sidoo kale kor u qaadis aan badneyn oo lagu sameeyey canshuurta shaqada. Dowladaha hoose ee wadanka ayaa sidoo kale heli doona 50 milyan oo Euro oo dheeraad ah si ay u caawiyaan dadka deggan degmooyinkooda, iyadoo in ka badan 125 milyan oo Euro loo qoondeeyey in lagu caawiyo dadka naafada ah si ay usii shaqeeyaan.
|
|
|
Waxaa soo badanaya daawooyinka ADHD dhaqtar la’aan
|
|
Sida ay ku sheegtay warbixin ay hay’ada dhinaca caafimaadka u qaabilan Netherlands (RIVM), ardaydu waxay si joogto ah u isticmaalaan daawooyinka loo qaato dejinta dabeecadaha fudfudeyda carruurta ee loo yaqaan ADHD, iyaga oo aan dhakhtar u qorin si ay uga caawiso inay si fiican wax u bartaan.
|
RIVM waxay aaminsan tahay in ardaydu ay dawooyinkan ka helayaan meelo kale oo aan dalkan aheyn, mana jirto cadeyn muujinaysa in daawooyinkan dibadda laga soo dhoofiyo ama loo iibsado qaab online ah.
|
Baaris ay sameeyeen machadka Trimbos iyo adeega caafimaadka degmada ee GGD ayaa muujiyay in ku dhawaad 20kii ardayba uu mid ka mida isticmaalo dawooyinkan warqad dhakhtar la’aan.
|
Daawada inta badan loo isticmaalo ADHD (Attention Deficit Hyperactivity Disorder) ee Netherlands waa methylphenidate, oo lagu iibiyo magacyo wata calaamadaha sida Ritalin iyo Concerta. Qaadashada Daawooyinka qaar waxay u baahan yihiin warqad dhakhtar sababtoo ah waxay yeelan karaan saameyno halis ah sida lallabbo, wadne garaac, hurdo la’aan, iyo inta badan, walaac ama niyad-jab.
|
Si looga hortago si xun u isticmaalka daawooyinka ADHD, RIVM waxay kula talisay dhakhaatiirta inay u qoraan carruurta u baahan cadad yar. “Sidoo kale waa muhiim inay si ku filan u hubiyaan bukaanka inay daawadu si sax ah u shaqeyneyso iyo in isticmaalkeedu uu weli lagama maarmaan yahay,” ayaa tiri hay’ada RIVM.
|
|
|
|
|
|