|
FSAN Nieuwsbrief juli 2023
|
|
|
|
Editor: Zahra S. Naleie Publisher: Mohamed Abdi
|
|
|
|
Saddex bille ka faallooda arrimha jaaliyadda Soomaalida Netherlands.
|
|
|
|
|
|
|
|
-
Ururka Himilo oo kaalinta labaad ka galay tartan loo qabtay 346 urur
|
-
Kulamadii ugu dambeeyey ee guddiga maamulka FSAN
|
-
Sanad guuradii 63aad ee madaxbanaanida Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Netherlands
|
-
Tabaradda cusub iyo dib utabaridda wacyigeliyaasha FSAN.
|
-
- Dowlada Netherlands oo dhacday sababo la
xiriira khilaaf ka dhashay qulqulka qaxootiga
|
Ururka Himilo oo kaalinta labaad ka galay tartan loo qabtay 346 urur
|
|
Tartan sannadle ah oo loo qabto ururada ku shaqeeya “iskaa wax u qabso” waddanka Holland, ayna ka qeybgaleen 346 urur ayaa waxaa kaalinta 2-aad ka galay ururka Himilo oo ah urur Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay Amsterdam.
|
Ururka Himilo, waa urur u adeega Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Holland, gaar ahaan magaalada Amsterdam iyo nawaaxigeeda.
|
Adeega uu bixiyo ururka Himilo, isla markaana uu ku helay abaalmarintan waxaa ka mid ah barnaamij ay fuliyeen kuna saabsanaa isfahamsiinta ubadka Soomaalida iyo waaliddiintooda. Carruurta Soomaalida intooda badan kuma hadlaan af Soomaaliga, halka ay waaliddiintu dhib ku qabaan ku hadalka afka Hollandees-ka.
|
Si arrinkan xal loogu helo Himilo waxay ka shaqaysaa sidii ubadka Soomaalida ku baran lahaayeen afkooda Hooyo, sidoo kalena waxay Himilo waaliddiinta ka caawisaa sidii ay afka Hollandees-ka ku baran lahaayeen.
|
Guddoomiyaha Himilo Cali Hassan Cali Istiile iyo Cabdikariin Maxamuud oo ah madaxa mashaariicda ayaa ka hadlay waxqabadka Himilo waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin horumarka ay tiigsaneyso Himilo. Waxayna sheegeen inay dhiiragelin u noqonayso abaalmarintan, iyaga oo u mahadceliyay dadka xubnaha ka ah ururka
|
|
|
|
|
|
|
Kulamadii ugu dambeeyey ee guddiga maamulka FSAN
|
|
Kulamadii ay yeesheen guddiga maamulka dallad FSAN saddex bilood ee ugu dambeeyey ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka FSAN iyo ururada xubnaha ka ah, arrimaha horumarinta jaaliyadda Soomaalida ee degan magaalooyinka dalka Netherlands iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa FSAN iyo hay’adaha dowlada Netherlands.
|
Gudoomiye ku xigeenka dallad FSAN Abdulkadir Ali Nune ayaa sheegay in gudigooda ay ka wada hadlayn sidii loo howlgelin lahaa ururada xubnha ah ka ah dallada ee ka dhisan gobolada dalkan.
|
“Waxaan ka doodnay sidii FSAN ay ururada Soomaalida looga caawin lahaa sidii wada shaqeyn dhow ula yeelan lahaayeen dowladaha hoose ee maamula magaalooyinka ay ka dhisan yihiin. Wax[1]aan diyaar u nahay in aan ururadaasi la raadino waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin ka jaaliyad ahaan.” Ayuu yiri Abdulkadir Nune.
|
Waxaa kaloo guddiga maamulka ay dhowaan la kulmeen wakiilka wasaarada arrimaha dibadda Netherlands u qaabilsan arrimaha bulshada, iyadoo la isla soo qaaday sidii loo kordhin lahaa mashaariicda ay wado dallada FSAN.
|
Waxaa kaloo laga wada hadlay sidii mashruucyada dib u dhiska Soomaaliya loo sii marsiin lahaa dalla[1]da FSAN iyo sidii Soomaalida haysata dhalashada Netherlands ee ku laabtay dalkii loogu fududeyn lahaa adeegyada document-yada ay u baahan yihiin sida Baasaboorka. Dhinaca kale, Guddiga maamulka dallada FSAN ayaa bishii June 2023 lagu sameeyey isbadel, iyadoo ay ku biireen laba xubnood oo kala ah Abdishakur Elmi iyo Ali Ikar
|
|
|
|
|
|
Sanad guuradii 63aad ee madaxbanaanida Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Netherlands
|
Munaasibado isku ujeedo ahaa oo lagu xusayey 63 guuradii ka soo wa[1]reegatay madaxbanaanadii gobolada koonfureed iyo Midowgii gobola[1]da Waqooyi iyo Koofureed ayaa lagu kala qabtay Magaalooyinka Zwolle iyo Den haag ee dalka Nederlands.
|
Munaasibadda lagu qabtay magaalada Zwolle, waxaa qaban qaabiyey ururka jaaliyadda Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda, waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Jaaliyadaha Soomaalida dalkaasi, marti sharaf ka socotay maamulka degmada Zwolle (Gemeente raad), wafdi ay horkaceysay qunsulka safaarada Soomaalida ee Brussels, odayaal iyo waxgarad ka socday qeybaha bulshada.
|
Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Cabdulqaadir Cali Nuune oo dhinaca kale-na ah Guddoomiyaha Jaaliyada Zwolle iyo nawaaxigeeda oo munaasabadaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka hadlay taariikhda Soomaaliya iyo halgankii dheeraa ee la soo galay xorrnimadda iyo madax-bannaanadda Soomaaliya, isaga oo dhinaca kalena tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in da’yarta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay ama ku koray la baro taariikhda dalkooda.
|
Qunsulka safaarada Soomaaliya Fahdia M. Cabdullaahi oo madasha ka hadashay ayaa dhinaceeda u mahadcelisay Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Cabdulqaadir Nuune iyo guud ahaan dadkii soo qabanqaabiyay munaasabada, waxeyna sidoo kale qunsulka ugu hambalyeysay ummadda Soomaaliyeed munaasabadan Qaranka ah.
|
Barnaamij ka waxaa si qurux badan u xiriirinayay Cabbaas Cali Nuur oo ka mid ah aasaasayaashii Jaaliyada Zwolle. Dhinaca kale, munaasibada dabaaldega maalinta xoriyadda Soomaaliya ee lagu qabtay Den Haag, waxaa soo qaban qaabiyey ururka SONECA oo xubin ka ah dallada FSAN. Waxaa goobta munaasibada isugu yimid qaar ka mida jaaliyadda Soomaaliya ku nool Den Haag iyo naxwaaxigeedda, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay heeso waddani ah
|
|
Munaasibado isku ujeedo ahaa oo lagu xusayey 63 guuradii ka soo wa[1]reegatay madaxbanaanadii gobolada koonfureed iyo Midowgii gobola[1]da Waqooyi iyo Koofureed ayaa lagu kala qabtay Magaalooyinka Zwolle iyo Den haag ee dalka Nederlands.
|
Munaasibadda lagu qabtay magaalada Zwolle, waxaa qaban qaabiyey ururka jaaliyadda Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda, waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Jaaliyadaha Soomaalida dalkaasi, marti sharaf ka socotay maamulka degmada Zwolle (Gemeente raad), wafdi ay horkaceysay qunsulka safaarada Soomaalida ee Brussels, odayaal iyo waxgarad ka socday qeybaha bulshada.
|
Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Cabdulqaadir Cali Nuune oo dhinaca kale-na ah Guddoomiyaha Jaaliyada Zwolle iyo nawaaxigeeda oo munaasabadaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka hadlay taariikhda Soomaaliya iyo halgankii dheeraa ee la soo galay xorrnimadda iyo madax-bannaanadda Soomaaliya, isaga oo dhinaca kalena tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in da’yarta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay ama ku koray la baro taariikhda dalkooda.
|
Qunsulka safaarada Soomaaliya Fahdia M. Cabdullaahi oo madasha ka hadashay ayaa dhinaceeda u mahadcelisay Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Cabdulqaadir Nuune iyo guud ahaan dadkii soo qabanqaabiyay munaasabada, waxeyna sidoo kale qunsulka ugu hambalyeysay ummadda Soomaaliyeed munaasabadan Qaranka ah.
|
Barnaamij ka waxaa si qurux badan u xiriirinayay Cabbaas Cali Nuur oo ka mid ah aasaasayaashii Jaaliyada Zwolle. Dhinaca kale, munaasibada dabaaldega maalinta xoriyadda Soomaaliya ee lagu qabtay Den Haag, waxaa soo qaban qaabiyey ururka SONECA oo xubin ka ah dallada FSAN. Waxaa goobta munaasibada isugu yimid qaar ka mida jaaliyadda Soomaaliya ku nool Den Haag iyo naxwaaxigeedda, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay heeso waddani ah
|
|
|
Tabaradda cusub iyo dib utabaridda wacyigeliyaasha FSAN
|
|
Bishii April- juunyo 2023 FSAN waxay dib u tababar u qabatay wacyigeliyaal ka soc[1]day magaalooyin kala duwan. Mowduuca wuxuu ahaa rabshadaha ka dhaca guriga /qoysaska (Huiselijke Geweld).Baahida mowduucaan waxay ka timid wacyigeli[1]yaasha oo dalbadda in arrintaan cashar laga siiyo. FSAN iyadoo codsigaasi ka duulaysa ayey xiriir la samaysay hayáddaha arrimahaan qaabilsan si ay casharka ku haboon u siiyaan wacigeliyaasha. Waxaan kala shaqaynay oo cashardda bixiyey hayádda (BlijfGroep) oo fadhigoodu yahay magaaladda Amsterdam.
|
Wacyigeliyaasha oo ka falceliyey tababarkii ay qaatayn waxay sheegayn inay wax badan ka faiidayn casharadii. Tiradda ka qay gashay waxay gaaraysay 30 qof oo isugu jira rag iyo dumar.
|
Waxaan kaloo qabanay 2 bo webinar oo loogu talagalay wacyigeliyaasha kuna saabsanaa ka hortagga caadooyinka xun xun ama waxyeelidda keena sida gudniinka gabdhaha, guurka qasabka ah, arrima[1]ha la xiriira sharaft qoyska oo laga yaabo in qof dhan loo dilo gaar ahaan haweenka. Iyo Carruurta ama dhalinyaradda la dhaqan celiyo.Casharka 1aad wuxuu ku saabsanaa raadreebka dhaqamadaasi ku yeelan karaan maskaxda ama dareenka qofka guud ahaan. Casharka waxaa bixiyey Dr. Sucad Abdelrahman oo ah dhakhtar cuduradda dhimarka. Dr. Suad waxay sheegatay in qofka ilmihiisa uu dib ugu celin karo wadankiisa laakiin waalidka waa inay carrurta la joogaan oo baahidooda ogaadaan waa lagama maar[1]maan, haddii kale carruurtaas waxaa soo gaari karo dhibaato weyn oo makaxiyan laakiin markaasi waa[1]lida u muuqan. Sidaa darteed waxay ku talisay in arrimahan laga taxadiro gaar ahaan waqtiga ilmaha ku jiraan baaluqnimada. Casharkan waxaa lagu qabatay Aaladda fogaan arag bishi May 20keedii 2023.
|
Casharka labaad waxaa la qabtay 10 juunyo 2023 wuxuu ku saabsanaa sharciyadda ka yaal dhaqamada aan kor ku xusnay waxaana bixiyey Dr, Annemaria Middelburg oo ah khabiir dhinac sharciyadda ah. Waxaa la xusuusiyey wacyigeliyaasha in arrimaha ku saabsan dhaqmada xun xun (schadelijke praktijken) inuu jiro sharci mamnuucaya ,tusaale haddii qoyskaada kugu qasbo inaad guursato qof aad rabin, qasabkaasi ayaa la diidanyahay oo ka yaala sharci tirsigiisu yahay 284 ciqaabta scharciga buugga. Qof kasta oo guursanaya waa inuu da’diisa yahay 18 sano, wixii ka yar waa guur carruureed.
|
Waxaa la sheegay marka hore in guurkaad sharciga Nederlandiga isku guursataan ka dibna diintaada.Arrintaan waa muhiim inay dadka la socdaan.labada dib utabaridda waxaa ka qaybgalay 98 qof. Waxaa kaloo jira in wacyigeliyaasha cusub oo hore loo tababaray iyaguna la siiyey dib u tababar cashro la xiriira caafimaadka taranka iyo xuqooqda. Waxaa cashar ka bixiyey Marisa oo ka socota GGD Denhaag. Tiradda ka qayb gashy waa 13 wacyigeliyaal ah oo isugu jira rag iyo dumar
|
|
|
Arrimaha Mediyaha
|
|
FSAN gaarahaan mashruucaan ka hortagga dhaqamada haraadigga ah waxay xoogga saartay dhinaca mediyaha, waxaan la shaqaynay qolada pan-Africa Media iyo Radio of Naija , Som Nl Tv, iyo Somali 4 all.
|
Barnaamijyadda waxaa isugu jiraan waraysiyo kala duwan, wargelin ama xusuun arrimaha sharcige ee ka jira wadankaan sida Verklaring tegen meisjesbesnedenis oo ah dokument loogu tala galay inay waalidiin qaataaan waqtiyadda fasax. Taasow ku qoran in gudniinka gab[1]dhaha in uu wadanka Holland mamnuuc ka yihiin.
|
Waxaa kaloo Xusid Mudan in waraysi ku saabsan arrimaha gudniinka dumarka ay FSAN la yeelatay Istahil Abdullaahi oo runtii si faahfaahsan uga hadashay dhibaatada arrintaan ka soo gaartay. Ka dibna aan la wadaagnay bulshada Soomaliyeed via Tiktok taasow fiirsatay 700,000 Somaaliyeed oo ku nool meelo kala duwan oo addunka ah kana falceliyey gaar ahaan dumar badan oo ay qirayn in dhibaatada Istahil sheegtay inay ayaguna soo marayn.
|
Istahil waxay ka mid tahay wacyegeliyaasha FSAN uguna Firfircoon oo ka hortagga caadooyinkaani , waxay kaloo tahay tababare xirfadlayaal (Professionals) kale duwan iyo arday caafimaadka ee jaamcadda, waxay ka[1]loo tahay xiriiriyaha arrimahan ee goballada waqooye ee dalkani. FSAN waxaan meeshaan ugu mahadcelinayaa Istahil Abdullahi oo runtii si geesimo leh arrimahan uga hadasho taasow loo baahanayahay. Haddii annaga aanaan ka hadli yaa ka hadli lahaa arrimahan/ jawaabta waa qofna
|
|
|
Dowlada Netherlands oo dhacday sababo la xiriira khilaaf ka dhashay qulqulka qaxootiga
|
|
Golaha xukuumada dalka Netherlands ayaa horaantii bishan Luulyo dhacday ka dib markii xisbiyadda isbaheystay ee talada dalka hoogamiya ay isku raaci waayeen heshiiska ah in la dhimo tirada magangalyo-doonka ah.
|
Mr Rutte oo ah R/wasaaraha dalka ayaa xaqiijiyay in dowladiisa ay dhacday xilli uu shir jaraa’id qabtay fiidnimadii Jimcaha, ka dib markii uu qabtay shir degdeg ah oo golaha wasiirrada ah. Wuxuu sheegay inuu iscasilaadiisa u gudbin doono boqorka Dutch-ka Willem-Alexander sabtida.
|
Wasiirada ayaa yeeshay wadahadalo socday muddo toddobaadyo ah si ay isugu dayaan in ay helaan habab lagu yareynayo cadaadiska nidaamka magangalyada, laakiin ra'iisul wasaaraha, Mark Rutte, ayaa kor u qaaday saamiga todobaadkan markii uu ku hanjabay in xisbiga VVD uu ka saari doono golaha wasiirada arrintan awgeed haddii aan heshiis la gaarin ka hor fasaxa xagaaga.
|
VVD waxay doonayeen in ay sameeyaan nidaam laba heer ah oo loogu talagalay magangalyo-doonka, iyada oo kuwa lafahooda u soo baxsaday la siiyo xuquuq ka badan kuwa ka cararaya dagaalada. VVD waxay kaloo sheegtay in dadka magangalyada la siiyey ee haysta sharciga (A-status) loo keeni karo qoysaskooda, halka kuwa la siiyo sharciga (B-Status) aan loo keeni Karin qoysaskooda, maadama dib loo celinayo marka ay isbadesho xaalada dagaalada ay ka soo carareen.
|
Qaar ka mida xisbiyadda mucaaradka ayaa ku eedeeyey Mark Rutte in ridista dowlada uu ku talagalay oo uu doonayo isagoo ku raad-tiranaya arrinta magangalyo doonka ah oo uu doonayo in la joojiyo qaabiladooda, taasoo la sheegay inuu hubo inuu mar kale cod ku helayo haddii doorasho kale la qabto.
|
Maalin ka dib, Mark Rutte ayaa meel fagaare ah ka sheegay inuusan u tartami doonin mar kale xilka ra’iisal wasaarinimo, isagoo cadeeyey inuu gebi ahaanba isaga fariistay siyaasada, taasoo niyad jab ku keentay xisbigiisa VVD. Waxaa markiiba la qorsheeyey in doorasho cusub la qabto bartamaha bisha November ee sanadkan 2023-ka si loo soo dhiso dowlad cusub.
|
|
|
|
|
|